Burcad badeedkii Xaafidul Qur'aanka ku noqday xabsiga ee hadda dadka ka wacyi geliya - BBC News Somali (2024)

Burcad badeedkii Xaafidul Qur'aanka ku noqday xabsiga ee hadda dadka ka wacyi geliya - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Fu'aad Xisrsi

Muddo dheer waxaa xeebaha Soomaaliya lagu yaqaannay Burcad-badeednimo. , balse sanooyiinkii u dambeeyay waxaa aad hoos ugu dhacay weerarada maraakiibta loo gaysto.

Haddaba waxaan halkan idinkugula wadaagi doonnaa sheeko aad u xiisa badan oo ku saabsan nin dhalinyaro ah oo muddo xabsi ugu jiray falal burcad badeednimo, balse hadda dadka ka wacyi galiya, isagoo soo dhamaystay xabsi lagu xukumay.

Ninka aan ka hadlayo waa Fu'aad Xirsi Bare oo muddo ku dhaw 10 sano ku jiray xabsi ku yaalla dalka Cumaan.

Fu'aad oo BBC la hadlay ayaa waxaa uu ka sheekeeyay qisada xanuunka badan ee soo martay iyo sida uu xabsiga ku galay iyo waliba sida uu uga soo baxay.

Waxaa uu sheegay in sanadkii 2011-kii uu ku biiray koox burcad badeed ah, islamarkaana ku biiradiisa uu ka dambeeyay nin kale oo ay asxaab ahaayeen oo ku qalqaaliyay in uu ka mid noqdo burcad badeedda.

"Sidaan ugu biiray qiso la yaab leh ayay ahayd, nin dhalinyaro ah ayaa ii yeeray wuxuu igu yiri kaalay nimankan ku biir, shidaal inoo soo gad lacag 36 kun oo doolar ah ayuu ii dhiibay 2011-kii bishii lixaad ayay ahayd wuxuu yiri badda ayaan aadaynaa" ayuu yiri Fu'aad.

Fu'aad ayaa intaa ku daray in qabanqaabada safarkooda badda ay ka bilaabeen magaalada Garacad ka dib-na ay badda galeen oo ay bilaabeen howshooda burcad badeednnimada.

"Garacad ayaan tagay markii aan shidaalkii keenay markab ayaan qaadanay ka dib wuu naga halaabay oo waxaan dalbanay doon, badda ayaan sidaa ku aaday'" ayuu yiri Mr Fu'aad.

Fu'aad Xirsi Barre ayaa sheegay in ay bilaabeen in ay weeraro ku qaadaan maraakiib, islamarkaana mid ka mid ah maraakiibtii ay weerareen ay iska caabin kala kulmeen halkaasina uu qof kaga dhintay.

"Weeraro ayaanu qaadnay badda markaan muddo ku jirnay ayaa waxaan qaadnay weeraro, markab Turki ah ayaan weerarnay ka dibna xabbado ayuu nagu riday, nin ka mid ah dhalinyardii shanta ahayd ee aan wada soconay ayaa la dilay," ayuu yiri.

  • Maxay yihiin tallaabooyinka Mareykanka soo saaray ee ka dhanka ah Tahriibayaasha Soomaalidu ka midka yihiin?

  • Ninkii hooyadii Wajeer ku dilay oo isna jug soo gaadhay u dhintay

  • Gabadh la sheegay in dhimatay oo dib laga ogaaday in ay nooshahay

Burcad badeedkii Xaafidul Qur'aanka ku noqday xabsiga ee hadda dadka ka wacyi geliya - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Fu'aad

Qaabkee lagu qabtay fu'aad iyo raggii la socday

Fuaad ayaa sheegay in markii ay muddo badda dhex socdeen markii dambe gacanta lagu dhigay oo la qabtay.

Waxaa uu sheegay in markab laga lahaa dalka Holland uu soo weeraray doontii ay wateen sidaana looga awood roonaaday oo gacanta lagu dhigay.

"Markii aan soo socnay oo aan dooneynay in meydka ninkii naga dhintay aan dib u celino markii aan si soconay ayaa waxaa na qabtay markab Holland laga leeyahay, markabka wuxuu nagu soo weeraray diyaarado, almuhiim xilligaas ayaa nala qabtay," ayuu yiri.

Fu'aad Xirsi Barre ayaa sheegay in markii la qabtay ka dib uu markabkii ku wareejiyay dowladda Cumaan, halkaasi lagu maxkamadeeyay oo xabsi lagu xukumay.

"Markabkii wuxuu noo geeyay Cumaan, waxaana Cumaan ay noo soo dirtay markab dagaal wayna nala wareegtay, waxaana nala geeyay Cumaan 2012-kii," ayuu yiri Fu'aad.

Waxaa uu xusay in markii Cumaan la geeyay oo la hayay 7 bilood ka dib maxkamad la soo taagay oo la xukumay.

"Waxaa nala geeyay meel la yiraahdo Salala xabsi ayaa nagula guray 7 bilood ayaa nala hayay ka dib ayay maxkamad na saareen waxaa nagula xukumay qof kasta oo madaxaa ha ku furto,".

Burcad badeedkii Xaafidul Qur'aanka ku noqday xabsiga ee hadda dadka ka wacyi geliya - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, AFP

Noloshii xabsiga

Fu'aad ayaa sheegay in markii uu xukunka ku dhacay ka dib loo wareejiyay magaalaada Masqad ee caasimada cumaan halkaasi oo xabsi dheer oo 9 sano iyo bar ah uu ku soo qaaatay.

Waxaa uu xusay intii uu xabsiga ku jiray uu waxyaabo badan ka faa'iiday oo ay ka mid tahay in uu wax ka soo bartay.

"Xabsigii weynaa ee Masqad markii ay na geeyeen waxaan ka bilaabay maadaama markii hore aan qalad ku jirnay, waxaan bilaawnay in meeshii nafteeda aan nolol ka sameyno oo wax ku barano".

Fu'aad ayaa sheegay in intii uu xabsiga ku jiray uu ku dhex xifdiyay quraanka Kariimka taasi oo ku qaadatay muddo 8 sano ah.

"Markaas ayaan bilaabay in nolosheydii ay is badasho inaan waxbarsho bilaabo, waxbarashadii aan markaasi bilaabay 2013-kii bishii saddexaad waxaan bilaabay Quraanka oo 8 sano meeahaas aan ku xifdiyay" ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in sii deyntooda uu gacan ka geystay nin ganacsade ah oo haysta dhalashada dalka Cumaan.

Fu'aad ayaa sheegay in intii uu xabsiga ku jiray uu qoray buug uu ka qoray arrinta burcad badeeda kaasi oo uu dhawaan uu soo bandhigi doono islamarkana uu buugaasi uu yahay mid dhalinyarada ka wacygalinaya dambiyada burcad-badeednimada.

"Qofka in uu jabka soo maro way fiican tahay, nin kasta oo rag ahna inuu soo jabo way fiican tahay waayo wax badan ayaa nooga siyaaday, sababtoo ah waxaan ka faa'iday(Xabsiga) waxbarsho, midda labaad waxaan qoray buug 'Luulka qarsoon' la yiraahdo oo ka hadlaya hormarka bulshada iyo sidaad waqtigaaga u ilaalin kartid iyo fikirka qaldan waxa uu galo, sababtoo ah fikir qaldan ayaa halakas na galiyay," ayuu yiri.

Burcad badeedkii Xaafidul Qur'aanka ku noqday xabsiga ee hadda dadka ka wacyi geliya - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Fu'aad

Ka wacyigalinta dhalinyarada Burcad-badeednimada

Fu'aad Xirsi Barre ayaa marki xabsiga laga soo daayay ee uu Soomaaliya ku soo laabtay waxaa uu bilaabay in dhalinyarada uu ka wacyigaliyo dhibaatada iyo waxa laga dhaxli karo burcad-badeednimada.

Waxaa uu sheegay in uu group whatsapp ah uu u sameeyay burcad badeeddii xabsiyada laga soo daayay ka dib-na ay halkaas wacyigalin ka bilaabeen.

"Markii aan soo baxay waxaan bilaabay horta in kow nafteyda aan toosiyo oo wixii shalay ay ku dhacday aan ka ilaaliyo marka labaad waxaan bilaabay inaan group u smaeeyo burcad badeeda la soo daayay oo meel kasta ka soo baxeen oo wacygalin siino si aysan mar dambe ugu noqon" ayuu intaa ku daray.

Burcad badeedkii Xaafidul Qur'aanka ku noqday xabsiga ee hadda dadka ka wacyi geliya - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Catherine Tremblay

Last Updated:

Views: 6060

Rating: 4.7 / 5 (47 voted)

Reviews: 86% of readers found this page helpful

Author information

Name: Catherine Tremblay

Birthday: 1999-09-23

Address: Suite 461 73643 Sherril Loaf, Dickinsonland, AZ 47941-2379

Phone: +2678139151039

Job: International Administration Supervisor

Hobby: Dowsing, Snowboarding, Rowing, Beekeeping, Calligraphy, Shooting, Air sports

Introduction: My name is Catherine Tremblay, I am a precious, perfect, tasty, enthusiastic, inexpensive, vast, kind person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.